Madasha Badbaado Qaran oo soo dhawaysay go’aanka Midowga Afrika ku diidey muddo kororsiga.

Madashada Badbaado qaran.

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku midaysanyihiin Golaha midowga Musharixiinta, Gudoomiyaha Aqalka Sarre, Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhaweysay go’aanka Midowga Afrika ku diidey muddo kororsiga madaxda Dowladda Faderaalka ah ee waqtigu ka dhamaaday.

Madasha ayaa ku baaqay ku noqoshada wadahadalada doorashooyinka Soomaaliya si xal deg deg ah loo gaaro khilaafka ka hada taagan iyo fulinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.

Madasha ayaa balanqaaday la shaqaynta ergayga golaha amaanka, Nabada iyo Siyaasada Midowga Afrika u soo magacaabayo Soomaaliya iyaga oo amaanay doorka nabad galyada ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Halkaan ka aqri qoraalka Badbaado qaran.

No photo description available.

MM Staff

Read Previous

Sidee u dhammaadaan Keligitalisyadu: Q1: Cali Cabdullaahi Saalax Cafash!

Read Next

Midowga Yurub oo taageeray go’aankii Midowga Africa ee la xiriiray xaalada Soomaaliya!