Maamulka Mahaddaay oo ka hadlay Ciidanka ka baxay degmada

Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa beeniyay warar sheegaya in degmadaasi ay la wareegeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Mahaddaay Axmed Xuseen Afrax, ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada dowladda ay qaar ka mid ah saaka isaga baxeen Magaalada.

Waxaa uu sheegay in Ciidamo gaaraya 1,500 Askari oo AMISOM ah ay ku suganyihiin, sidoo kalena Milatariga Soomaaliya qeyb ka mid ah ay joogaan.

Axmed waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada ka baxay Magaakada ay ka cabanayeen Mushaar la’aan, mas’uuliyaddana ay saarantahay taliyayaashooda laakiin degmada Mahaddaay aysan qabsan Al-shabaab.

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo saaka isaga soo baxay saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxa ay gaareen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada ayaa ka cabanayay mushaar la’aan iyaga oo sidoo kale aad u dhaliilay hadalkii Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ee ahaa in Ciidamada aan mushaarka qaadan aysan u diiwaangashaneyn dowladda Soomaaliya.

Web master

Read Previous

Diamond Furniture announces company rebrand to Saabaan LLC

Read Next

Somali leaders jittery over KDF’s military base pullout