Maamulka iyo Odayaasha Jalalaqsi oo Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle musuq ku eedeeyay.

Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa Wasiirka Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay in uu musuq maasuqay qalab caafimaad oo ay lahayd degmada Jalalaqsi.

Maxamed Shaahid Gacal waxaa uu ka mid yahay odayaasha degaanka,ayaa sheegay in uu cambaareynayo been abuur uu wasiirka ku sameeyay Odayaasha iyo Mamaulka oo uu qalab Caafimaad iyo Gaadiidka Isbitaalka degmada ugu wareejiyay Magaalada Beledweyne.

Odayasha iyo Maamulka ayaa beeniyay in lagala tashtay in Qalabka Caafimaadka ee Jalalaqsi ee loo wareejiyay Magaalada Beledweyne,waxaa ay sheegeen in ay doonayaan in qalabkooda dib loogu celiyo Isbitaalkooda maaddaama dadka degaanka ay baahi weyn u qabaan.

Maxamed Cabdulle Fiidow,Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in wasiir Caafimaadka uu ka wareejiyay qalab caafimaad oo ay dagmada lahayd,waxaa uu is weydiiyay in Wasiirka uusan ka mid ahayn dadka degaanka.

Qalabka Caafimaad ayuu sheegay in ay soo direen Jaaliyadda Hirshabeelle ee dibadda sidaas darteedna degmada Jalalaqsi loogu talagalay.

Waxaa uu codsaday in Wasiirka iyo Maamulka Hirshabeelle ay ka shaqeeyaan sidii Qalabka Caafimaad dib loogu soo celiyo maamulka Degmadaas.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha Jigjiga

Read Next

Hirshabelle: Jalalaqsi Commissioner and Elders accused Corruption for Minister of Health