Maamulka Hirshabeelle oo ku baaqay in Hay’aduhu shaqaaleysiiyaan dhallinyaradooda

Maamulka Hirshabeelle ayaa baaq u diray hay’adaha shaqada bixiya ee ka howlgala degaannada Maamulkaas,waxaaana uu ugu baaqay in ay shaqaaleysiiyaan dhallinyarada  reer Hirshabeelle

Axmed Cabdullahi Bashiir oo ah Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Hirshabeelle,ayaa sheegay in maamulka ay si gaar ah hay’adaha ugala xisabtamayaan dadka aan u dhalan Hirshabeelle ee ay shaqaaleysiiyaan.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in dhallinyro badan oo reer Hirshabeelle ah ay shaqo la’aan hayso,shaqo ay qaban karaanna  aysan sax ahayn in ay qabtaan dhallinro kale.

Waxaa uu Hay’daha ugu baaqay in marka hore dhallinyarad Hirshabeelle muhiimadda la siiyo haddii ay dhacdo in la waayana wasaaradda la wargeliyo si loo diiwaangeliyo dadka aan u dhalan Hirshabeelle ee degaannadaas ka shaqeynaya.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Canada:  Booliska oo xiray 6 Dhallinyaro Somali ah.

Read Next

UAE reiterates commitment to Somalia’s unity, security and stability