Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda
Gudoomiyaha Amniga Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool Ibraahim Isaaq Ibraahim (Shaati) oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay 9 Carruur oo ay qabteen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Howlgalka Carruurta lagu qabtay waxa uu tilmaamay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Abal iyo Labaatan Jirow oo ka kala tirsan Gobolada Bakool iyo Bay.
Gudoomiye Ibraahim waxa uu xusay in Carruurtaan Al-Shabaab ay tababar sanad ah siiyeen, isla markaana ay ka kala qaadeen deegaanno ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Bakool Koofur Galbeed Soomaaliya.
Labo ruux oo kale oo midkood yahay wadaha Mootada ay saarnaayeen 9-ka Carruur ayuu shaaciyay Gudoomiyaha Amniga Degmada Xuddur in la qabtaan oo ay baaritaanno ku hayaan Hay’adaha amniga.
Carruurta ay qabteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu sheegay Gudoomiyaha Amniga Xuddur in ay tababar sanad ah siiyeen Al-Shabaab, Xiligaan ayuu tilmaamay in ay ku hayaan Saldhigga Degmadaas.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgalada ay ka sameynayaan Gobolada Baay iyo Bakool.
