Maamulka Gelinsoor oo sheegay iney qabteen Itoobiyaan ku jiray dagaalka Kaxandhaale.

War Saxaafadeed ka soo baxay maamulka degmada Gelinsoor ee Galmudug, ayaa looga hadlay dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in duulaan lagu soo qaaday deegaano ay Nabad ku joogeen Beelo Somaliyeed, loona geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War Saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Gelinsoor, waxaa lagu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka qeybqaateen dagaalka, iyagoo taageerayay mid kamid ah labada beel ee dagaalamayay.

Waxa ay sheegeen iney gacanta ku soo dhigeen laba kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka soo gudbay xadka si ay dagaalka uga qeybqaataan.

Halkan Ka Aqriso Qoraalka ka soo baxay maamulka Gelinsoor:

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Miisaaniyada 2019.

Read Next

Gudoomiyaha golaha Shacabka oo baarlamaanka ka hor sheegay khilaafkii dhacay iyo xalka laga gaaray.