Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ahaa kii 31-aad ayaa waxaa soo xaadiray 152 Xildhibaa, waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Furitaanka kulanka ayaa guddoomiye Mursal ka hadlay mudada uu hakadka ku jiray howlaha golaha iyo casharka ay ka barteen.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafkii taagnaa, sida lagu xaliyay iyo muhiimada ay leedahay wadashaqeynta guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay miisaaniyadda dowladda 2019, Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in si deg deg ah loo ansixiyo miisaaniyadda.
Waxaa lagu balamay in maalinta beri ah xildhibaanada go’aan ka gaaraan oo cod loo qaado miisaaniyadda maadaama sanadku dhamaad marayo.
