Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Boqolaal qof ayaa laga daad gureeyay bartamaha Texas, kadib markii daadad xooggan ay ku dhinteen 51 qof oo ay ku jiraan 15 carruur ah.
Meesha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ah deegaanka Kerr oo ay ku dhinteen 43 qof halka 27 caruur ahna lagu la’yahay xero dhalinyaro Kiristaan ah oo ku taal agagaarka wabiga Guadalupe.
Dadka ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qeybo kale oo ka tirsan gobolka, sida degmada Travis iyo Tom Green County.
Digniino badan oo daadad ah ayaa weli taagan dhammaadka usbuuca bartamaha Texas.
Ilaa 850 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa hadda.
Shir jaraa’id oo uu qabtay galabnimadii sabtida, gudoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in uu saxeexay bayaan musiibo oo la ballaariyay si kor loogu qaado dadaallada raadinta.
Mustaqbal
