Isha Dyfan: Qoondada Dumar ay ku leeyihiin Baarlamaanka lama gaarsiin 30%.

Isha Dyfan, Khabiir madaxbannaan Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo maanta Warbaahinta kul hadashay Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixisay heerka xuquuqda aadanaha Soomaaliya, Doorashada, Amniga & qodobo kale.

Waxa ay sheegtay in dulmar guud ku sameyneyso xaaladaha Soomaaliya si hordhac ah maadaama xogta oo dhammeystiran ay dhex geyneyso Shirka Golaha Xuquuqul-Insaanka ee 51aad ee September 2022 ka dhacaya Geneva & fadhiga guud ee Golaha ammaanka ee 77aad oo isna ka dhacaya Magaalada New York.

Isha ayaa tilmaamtay in isku dhacyada iyo nabadgalyo darrada Soomaaliya ay sababeen in ay dhismaan xeryo ay degeen dad kasoo barakacay deegaannadooda si ay u helaan goobo ay u arkaan in ay ku helayaan xasilooni balse dhibaatooyin nololeed ay lugaha la galeen.

“Maanta, waxa aan si kooban ugu hadlayaa qaar kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn qodobada aan la tagi doono kulanka 51aad ee Golaha Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee Geneva iyo fadhiga guud ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay ee kalfadhiga 77aad ee New York” ayay tiri Isha Dyfan.

Isha Dyfan, mar ay ka hadashay xaaladda Xabsiyada Soomaaliya, ciqaabta Maxaabiista iyo fulinta xukunnada dilka ama toogashada ah ee lagu fuliyo dadk wax dila, waxa ay soo jeedisay in la kala saaro isla xirka Dadka da’da weyn iyo kuwa aan qaangaarin.

“Xaaladda Xabsiyada Soomaaliya lama mid aha kuwa caalamiga ah waayo waxaa isku meel lagu xiraa Dadka da’da weyn iyo kuwa aan qaangaarin, dabcan ciqaabta dilka uu kamid yahay waxa aan Dowladda usoo jeedinay in ay wax ka qabato oo joojiso xukunnada Dilka ah” ayay tiri Isha Dyfan.

Doorka Dumarka ee ka qaybgalka Siyaasadda 30% ayay Isha Dyfan sheegtay in aan la gaarsiin tirada loo cayimay in Haweenka laga siiyo Baarlamaanka Federaalka, waxa ay soo jeedisay in la hubiyo qoondada Dumarka.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

RW Rooble: Hala garabsiiyo Walaalaha aan awoodin in ay helaan Afurka.

Read Next

Baladweyne oo lagu doortay labo kursi oo ka mid ah kuraasta BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeell.