Inter Milan oo guul soo daahday ka gaartay AC Milan.

Naadiga Inter Milan ayaa xalay kulankii derby Milan guul xili dambi ah ka gaartay dhigeeda AC Milan.

Labada kooxood ayaa kulanka la wada sugayay ee Derby di Milano waxay ku bilaawdeen si adag ee aad u xiiso badan, iyadoo labada kooxood ay isku dayeen inay sameeyaan fursado ay isaga dhalin kareen goolal.

Tababarayaasha kooxaha Inter iyo AC Milan ee Luciano Spalletti iyo Gennaro Gattuso ayaa waxay kulankan kusoo bilaawdeen shaxaha kala ah:

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 0-0 iyadoo labada kooxood Inter iyo AC Milan ay ku guuldareysteen in wax goolal ah ay iska dhaliyaan qeybta hore ee ciyaarta.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ayay labada kooxood Inter iyo AC Milan u muuqday kuwo si taxadir ah u ciyaarayay, waxayna inta badan labada kooxood adeegsanayeen kubado gaadmo ah.

Laakiin waxa ay ciyaarta socotaba waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 93-aad waqtigii dheeri ga ahaa ayay kooxda Inter la timid goolka guusha waxaana u dhaliyay laacibkeeda reer Argantina ee Mauro Icardi oo caawin ka helay saaxiibkiis Matias Vecino ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

4 Qodob oo lagu hakin karo wararka been abuurka ah.

Read Next

Ka hor kulanka Leicester City Arsenal oo go’aan ka gaartay Mustaqbalka Ramsey.