RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka socda Howlogal ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Howlgalka ayaa ah mid lagu baarayo Guryaha,Gaadiidka iyo Goobaha kale ee Ganacsiga,waxaana Ciidamada ay u baarayaan Guri Guri.
Howlgalkan oo intiisa badan ka socda Xaafadda Xaawo Taako ee Magaaladaasi ayaa ka dambeeyay kaddib markii Hay’adaha amaanka ay sheegeen in ay heleen Rag ka tirsan Al-shabaab oo Hub la soo galay Magaalada kuwaas oo damacsan in ay weerarro ka geystaan.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in Ciidamada ay heleen Xogta ah in Xubno ka tirsan AL-shabaab ay Magaaladaasi galeen islamarkaana damacsanyihiin in ay weerarro u geystaan Ciidamada AMISOM,kuwa dowladda iyo Xarumaha Maamulka.
