Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka socdo howlgal ay fulinayaan Ciidamada amaanka Maamulka Puntland.
Howlgalkan ayaa daba socda dil xalay ka dhacay Xaafadda Raf iyo Raaxo ee Bariga Magaalada Boosaaso, dilkaas oo loo geystay qof shacab ah.
Ninka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Siciid Maxamed Maqadeeye,waxaa uu ka tirsanaa Guddiga iskaashatada Gaadiidleyda Magaalada Boosaaso.
Magaaladaasi waxaa maalmahan ka dhacayay dilalka loo geysanayo dad u badan Xubnaha Maamulka Puntland iyo Ganacsatada.
Labo Habeen ka hor ayey ahayd markii koox hubeysan ay afar qof oo Itoobiyaan ah ku dileen Boosaaso,waxaana dilkaas sheegtay Ururka Daacish.
