Hooyo dhashay 11 Carruur ah oo geeriyootay, kaddib markuu gubay Ninkeeda

Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyootay Safiyo Cali oo ahayd Hooyo dhashay 11 carruur ah, taas oo habeenkii Arbacada uu ninkeeda oo lagu magacaabo Sayid Cumar ku gubay gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Sida ay Mustaqbal Media u sheegeen Ehelka Marxuumadda, Safiyo ayaa saacadihii la soo dhaafay la il-darneyd dhaawaca culus ee ka soo gaaray dabka, iyadoo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawacyadaas maanta.

Waxaa la sheegay in Safiyo iyo Sayid Cumar uu maalmihii la soo dhaafay ka dhaxeeyay khilaaf qoys, waxaana la xaqiijiyay in Eedeysanaha uu ka baxsaday magaalada Muqdisho markii uu falkageystay ka dib.

Ehelka Marxuumad Safiyo Cali ayaa dhanka kale caddeeyay inay gabadhooda aasan doonaan, iyagoo sheegay inaysan wax diyo ah ka qaadan doonin Dambiilaha, balse ay dalbanayaan caddaalad iyo in sharciga la horkeeno ninkii falkan naxdinta leh u geystay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Iiraan oo duqeymo ka fuliyay Saldhigyo Mareykanka ku leeyahay qaar kamid ah dalalka Khaliijka

Read Next

Aadan Madoobe oo 24 saac gudahood kula wareegay Xilka Hoggaamiyaha DG Koofur Galbeed