Aadan Madoobe oo 24 saac gudahood kula wareegay Xilka Hoggaamiyaha DG Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka, ka dib markii shalay uu ku soo baxay Doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Sida lagu baahiyay qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Koofur Galbeed, Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ahaa ee Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si rasmi u saxiixay warqada wareejinta Xilka uu hayay ku dhawaad in ka badan laba bilood.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Maamulka Koofur Galbeed, siyaasiyiin, odayaal dhaqan iyo marti sharaf kale.

Aadan Madoobe ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono howlaha nabadeynta dowlad goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan ilaalinta Amniga iyo la dagaalanka AS.

Isbadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli 72 maalmood laga joogo markii xilka laga eryay Madaxweynihii Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ka dib markii ay isqabteen Dowladda Federaalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hooyo dhashay 11 Carruur ah oo geeriyootay, kaddib markuu gubay Ninkeeda

Read Next

Garsoore Cumar Cartan oo dhexdhexaadin doona Ciyaarta PSG iyo Aston Villa