Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Si guud xeerka ciqaabtu (Criminal Law) waxaa uu tilmaamaa dhammaan Xeerarka Ciqaabta ee loo dejiyo si loo dhowro loona joogteeyo bedqabka Nolosha Muwaadiniinta, xeerarkaas ciqaabta ee la dejiyo waxa ay xeeqaan dembiyada islamarkaasna waxa ay jideeyaan ciqaabtooda iyada oo laga duulayo mabda’a weyn ee ah “Dembi iyo Ciqaab midkoodna ma jiro haddii aan Sharcigu Jideyn” (Nullum crimen sine lege- Without Law, There is No Crime and Punishment), halka xeerarka habka ciqaabtu (Criminal Procedures) ay ciyaaraan kaalinta muhiimka ah ee qeexidda habka iyo qaabka ay maxkamaduhu u dhaqangelinayaan Xeerka Ciqaabta, haddaba maqaalkan waxa uu ku saabsan yahay Marxaladaha faldembiyeedku maro.
Fal-dembiyeedku inta badan ma dhaco hal mar oo keli ah balse si uu u dhaliyo Natiijo ama u gaaro heerka dhammeystirka waxa uu maraa 4; Marxalad ama heer kuwaas oo Qaanuunku u yaqaan Marxaladaha Faldembiyeedka (Stages of the Crime) heerarkaasi marka ay isu-tagaan waxa ay xaqiijiyaan dhicidda faldembiyeedka, waxaana suuragal ah in aan hay’adaha kahortagga dembiyadu ku baraarugin illaa uu gaaro heerka 2aad.

Marka Fal-dembiyeed walba dhacayo islamarkaana ay jirto ujeeddo iyo yool fuliyuhu ka leeyahay gelidda dembiga waxa jira howlgal-dembiyeed dhammeystiran iyo Marxalado ka dambeeya dhicidda falka dembiga ah! Marxaladahaas oo Qaanuunku ku soo kobo 4; heer waxa ay kala yihiin:-
- Niyad: (Intention) fulinta faldembiyeedku waxa ay ku billaabataa fikrad ay rabto Nafta fuliyuhu, sidaas daraadeed Fuliyuhu marka uu ku fakarayo gelidda debiga waxa uu leeyahay rabitaan Niyadda ka yimaada oo ah in uu fuliyo, ka qaybgalo ama caawiyo dhicidda falka dembiga ah, fikraddaas ayaa ku bislaata kana dhaadhacda Nafta iyo maskaxda fuliyaha, mar walbana waxaa jira sabab iyo wax fuliyaha ku dhiirrigelinaya in uu faldembiyeedka galo, marxaladdaas waxaa loo yaqaan Marxaladda Maanka iyo Maskaxda (Mental or psycho stage).Qaanuunku illaa fikraddaas iyo rabitaankaas Niyadda fuliyuhu ay bannaanka u soo baxaan wax ciqaab ah uma dejin balse dhinaca Shareecada haddii aad dhuuxdo macnaha Aayadda 284; Suuradda Albaqra waxa aad fahmi kartaa in Rabbi xisaabinayo qofka haddii uu muujiyo iyo haddii uu qariyo waxa ay Naftiisu ugu sheekeyso, hayeeshee Saxaabada iyo Mufasiriinta qaarkood waxa ay qabaan in Aayaddaas lagu Nasaqay Aayadda 286 ee ugu dambeysa Suuradda.
- Qorsheynta iyo Isu-diyaarinta gelidda fal-dembiyeedka (Preparation) Marxaladda labaad waa Qorsheynta iyo isu-diyaarinta fuliyaha ee gelidda fal-dembiyeedka, waxa uu diyaarsanayaa qalabkii iyo agabkii u fududeyn lahaa fulinta dembiga sida iibsashada hub haddii fal-dembiyeedku yahay qorsheynta iyo fulinta dil ama waxa uu been abuurayaa ama Koobiyeynayaa agab iyo xog kale haddii faldembiyeedku yahay Xatooyo, Qaanuunka Marxaladda isdiyaarinta uma yaqaan dembi sababta oo ah Xeer-illaalinta waa ku adag tahay in ay caddeyso in isdiyaarintaasi la xariirto fulinta dembi gaar ah hayeeshee dalalka u nugul dembiyada abaabulan isu-diyaarinta gelidda faldembiyeedku waxa ay halis ku tahay Nabadgelyadooda guud.
- Isku-dayga fulinta fal-dembiyeedka (Attempt) Isku-daygu waa in fuliyuhu si toos ah ugu dhaqaaqo fulinta fal-dembiyeedka kaddib marka uu diyaarsado qorshaha gelidda dembiga, halkaas marka ay taagan tahay Qofku waxa uu noqonayaa dembiile islamarka uu ku kaco falka iskudayga fulinta xitaa haddii aan isku-daygaasi dhalin wax natiijo ah, Natiijo la’aanta isku-dayga fulinta dembiga waxaa keeni karaa dhowr sabab sida qabashada qofka kahor inta uusan geysan dhibaatada, tusaale ahaan dil iyo xatooyo middood.
- Dhammeystirka iyo Xaqiijinta Natiijada (Accomplishment) Dhammeystirka iyo Xaqiijinta Natiijada faldembiyeedku waa marxaladda ugu dambeysa ee gelidda falka dembiga ah, waa heerka ay fuliyaha u suuragasho in uu dhammeystiro mashruuc-dembiyeedkiisa islamarkaana uu ka fakarayo in uu baxsado haddii aysan suuragal ahayna is-dhiibo ama is-dilo, markaas fuliyuhu waa dembiile ku eedeysan faldembiyeed dhammeystiran halka marxaladdii hore uu ahaa dembiile ku eedeysan iskudayga gelidda faldembiyeedka.
WQ: Avv: Ahmed Isse Gutale
Legum Magister/ Master in Law
Halkan kala deg PDF
