Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo deeq raashin ah gaarsiisay Isbitaalka Dr. Xabeeb

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq raashin ah gaarsiisay Isbitaalka Dr. Xabeeb ee degmada Dharkiinley, halkaas oo ay ku jiraan bukaano qaba xanuunnada dhimirka.

Deeqdan ayaa ka kooban noocyada kala duwan ee raashinka quutul-daruuriga ah, sida bur, bariis iyo sonkor, waxaana loogu talagalay in lagu taageero bukaannada ku jira isbitaalka.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Raaxo Xuseen Xirsi, ayaa faahfaahin ka bixisay deeqda, iyadoo sheegtay in hay’addu ay sii wadi doonto garab istaagga bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta deeqdan raashinka ah ugu talagalnay bukaannada Isbitaalka Dr. Xabeeb, si aan uga qeyb qaadanno daryeelkooda iyo taageerada ay u baahan yihiin.”  ayay tiri Guddoomiye ku xigeen Raaxo.

Dhankooda, Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Dr. Xabeeb, Dr. Yuusuf Xasan Muuse, iyo Agaasime ku xigeenka Isbitaalka, Dr. Mustaf Cabdiraxmaan Cali, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda ay soo gaarsiisay isbitaalka.

“Waxaan uga mahadcelineynaa Hay’adda Hormuud Salaam Foundation taageeradan qiimaha badan ee ay gaarsiisay bukaannada isbitaalka. Deeqdani waxay wax weyn ka tari doontaa baahiyaha bukaannada.” ayuu yiri Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Xabeeb, Dr Yuusuf.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa si joogto ah uga qeyb qaadata gargaarka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo deeqo gaarsiisa xarumaha caafimaadka, goobaha waxbarashada iyo xarumaha kale ee danta guud.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

RW Xamsa “Warshado badan ayaa dalka ka hirgeli doonna maadaama Amniga uu soo fiicnaaday”

Read Next

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar?