Hay’adaha Ammaanka DFS oo loo gudbiyay Dawooyinka Khatarta ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Golaha Shacabka kahor sheegay in Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda ay u gudbiyeen Dawooyinka Khatarta badan si ay u qabtaan.

Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in Liiska Daawooyinka sida loogu adeegsado Maandooriyaha ee halista ku ah Bulshada inay ku wareejiyeen Labadaan Ciidan oo muhiim u ah dabagalka dadka adeegsada iyo kuwa soo degsada sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in sannad weliba ay caalamka ugu dhintaan dawooyinkaan daroogada loo adeegsado in ka badan Nus Milyan qof kuwaas oo tira-koobka la sameeyay lagu ogaaday, dadkaas ayuu xusay in ay bollay ahaan ay Rag u badan yihiin kuwaas oo ah 66.67%

“NISA iyo Booliiska waxaan u gudbiyay Liiska Daawooyinka Maandooriyaha ee khatarta badan si ay u qabtaan, 600,000 oo 400,000 oo Rag u badan ayaa sannad weliba u dhinta Daawooyinka daroogo ahaanta loogu isticmaallo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka laga isticmaallo dawooyinka sida maandooriya ah loo adeegsado waxaana dhowr jeer dad sidaas qaldan u adeegsaday oo gaystay dambiyo kala duwan kasoo hor muuqdeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay ka dhigan tahay in Hay’adda NISA ay saraakiisheeda ka mamnuucdo kasoo muuqashada Baraha Bulshada?

Read Next

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dib u billaabista dhoofinta xoolaha nool