Hay’adaha ammaanka DFS oo gacanta ku dhigay Kooxo Dad ku dhacay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir in ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dadka rayidka ah dhac u gaysanaysay kuwaas oo loo gudbinayo Maxkamad.

Howlgalkaan oo si gaar ah u fuliyeen ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir waxaa howlgalka kaddib lasoo bandhigay Ragga la qabtay ee dhaca gaysanayay oo qaarkood hubaysnaa iyo waxyaabihii ay dhaceen.

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kooxaha dhaca ka gaysta Magaalada Muqdisho, waxa uu ku hanjabay in uu gacan adag ku qabanayo isla markaana la maxkamadayn doonno si loogu qaado ciqaabta dambiga ay gaysteen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaadday adkaynta amniga, waxa ay kordhisay goobaha lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka saaran, halka Xaafadaha Magaalada Muqdisho laga sameeyay goobo lagu baaro Gawaarida.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse oo warbixin ka dhageystay Safiirka Turkiga iyo Shirkadda maamusha Garoonka Aadan Cadde

Read Next

Bulshada Rayidka oo ku baaqday in la qabto Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada