Haweeney Jarmal ah oo muddo 7 sano ku afduuban Soomaaliya

Haweeney u dhalatay Jarmalka oo lagu magacaabo Sonja Nientiet, una shaqeynaysay hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) oo lagu afduubtay magaalada Muqdisho 2-dii May 2018, ayaa markii u horreysay kooxda Afduubka u heysata baahiyeen Muuqaalkeeda.

Muuqaalka, oo lagu faafiyay barta YouTube, ayaa muujinaya duruufo adag oo ay wajahayso Sonja, iyadoo codsanaysa in si degdeg ah loo badbaadiyo.

Waxay fariimo u dirtay dowladda Jarmalka, hay’adda Laanqayrta Cas, iyo muwaadiniinta Jarmalka, iyada oo ka codsanaysa in loo fududeeyo sidii ay ugu laaban lahayd dalkeeda oo ay dib ula midoobi lahayd qoyskeeda.

Sonja Nientiet, oo muddo saddex sano ah u shaqaynaysay ICRC, ayaa sheegtay in ay nafteeda u hurtay caawinta dadka danyarta ah ee aan is difaaci karin, balse la iska hilmaamay.

Waxay intaa ku dartay in xaaladdeeda caafimaad iyo badqabkeeduba aad u liitaan, ayna u baahan tahay gargaar degdeg ah.

“Waxaan u dhaxeeya nolol iyo geeri, waxaan ka codsanaya Dowladda Soomaaliya, sida Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dowladda Jarmalka in la iga caawiyo sidii la ii sii deyn lahaa” ayay tiri Sonja Nientiet.

Weli ma cadda ilaa hadda goobta Afduubayaasha ku hayaan haweeneydan u dhalatay dalka Jarmalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo u safray dalka Turkiga

Read Next

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Turkiga?