Hargeysa: Xubno ka tirsanaa Kulmiye oo ku dhawaaqay garab cusub

Koox ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee maamulka Somaliland taladiisa haya ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Harhgeysa waxaa ay uga dhaqaaqeen Garab cusub oo uu xisbigaas leeyahay.

Xubanah maanta shirka jaraa’id ku qabtay Hargeysa ee ku dhawaaaqay Garabka Badbaadinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Kulmiye waxaa ka mid ah; Jaamac Shabeel, Prof: Cabdi Cali iyo Abwaan Cismaan Kujare.

Garabka kale ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xubnahan Xisbiga horay looga saaray, islamarkaana aanay xubin ka ahahyn Xisbiga Kulmiye.

Waxaa ay sheegeen in Xisbiga Kulmiye Garabka uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi uu ku sifoobay kala qoqob iyo musuqmaasuq.

Mustaqbal media

Read Previous

Ernesto Valverde oo heshiis cusub u saxiixay Barcelona.

Read Next

AMISOM Commanders reach a consensus on military operations