Gudoomiyihii Degmada waaberi oo xilka laga qaaday iyo Xildhibaan loo soo Magacaabay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Rowdo C/llaahi Colaad oo la soo Magacaabay 23kii Bishii may 2017 ayaa la soo shaqeysay Gudoomiyayaashii Gobolka Banaadir ee Thaabit Cabdi Maxamed oo markeedii hore soo Magacaabay iyo Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Ninka Gudoomiyaha Waaberi loo Dhiibay oo lagu Magacaabo Mahad Cilmi Cali ayaa ah Xildhibaan katirsan baarlamaanka Maamulka Galmudug, waana Nin ka soo Jeeda Magaalada cadaado oo ah Xarunta baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Injineer Yraiisoow ayaa mudooyinkan Isbadalo ku sameynayay Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa uu dhowaan xilkii ka qaaday Cantoobo oo ahaa Gudoomiyihii Hodan iyadoo uu xilkaas usoo Magacaabay Dhaga Juun oo ahaa Madixii AMniga ee Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Mustaqbal media

Read Previous

Shir looga hadlayo Beeraha dalka oo laga furay Muqdihso.

Read Next

HANAAK AQOONSIGA BAASABOORKA IYO HEERARKA UU SOO MARAY: