Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda
Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyay Xaaladda amni ee Magaalada.
Gudoomiye Cabdisamad, Wasiirka Howlaha guud, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Taliyaasha ciidamada ammaanka, qaybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka iyo kan Magaalada ayaa qiimeyn amni ku sameeyay Xaafadaha Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Ciidamada ammaanka ayaa howlgalo ka sameeyay Magaalada Boosaaso, kahor inta aysan tagin mas’uuliyiinta katirsan Dowlad Goboleedka ee indha-indheeyay heerka amni ee Magaalada Xeebta leh ee Boosaaso.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa sheegay in dadka Magaalada Boosaaso ay u dulqaateen duruufaha amni ee horay uga dhacay Magaalada oo haatan kasoo hagaageyso, sidii hore sida uu hadalka u dhigay.
Shacabka waxa uu ka dalbaday in ciidamada ammaanka ee howlgalada wada gacan ku siiyaan xogaha dadka ka shaqeynaya falalka liddiga ku ah nabadgalyada Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari.
Magaalada Boosaaso waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal iyo weeraro ay sheegteen Daacish iyo Al-Shabaab oo ku sugan dhulka buuraleyda ah ee dhaca duleedka Xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
