Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Sharikadda DPWorld ee maamusha Dekadda Magaalada Boosaaso.
Xildhibaannadan oo ay tiradooda gaareyso 21 Mudane ayaa waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland u gudbiyeen mooshinka ka dhanka ah DPWorld.
Sharikadda laga leeyahay Imaaraadka ayey ku eedeeyeen in labadii Sano ee la soo dhaafay ay maamuleysay Dekadda Boosaaso islamarkaana aysan jirin wax ay Dekadda ku kordhisay.
Waxaa ay ku eedeeyeen in kaliya ay guraneyso Canshuurta Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in Xildhibaannada uu ka aqbalay mooshin ay soo gudbiyeen.
Su’aalaha la isweydiinayo waxaa ka mid ah sababta Baarlamaanka Puntland hadda mooshin uga keenayaan DPWorld iyada oo iyaga dhan la kala dirayo 31ka Bisha September ee soo socota,islamarkaana Puntland isu diyaarineyso doorasho madaxweyne.
