Nepal oo baaraysa Hiddesidaha Dadkii ku dhintay Daadadka ee ilaa hadda aan ehelkooda la aqoonsan
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federal ee FEIT ayaa maanta shahaadada rasmiga ah Guddoonsiiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Xildhibaankii ugu horreeyay Baarlamaanka 11aad ee JFS ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo waa Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ku fadhiya Kursiga Tirsigiisu yahay HOP#108.

Xildhibaannada kale ee qaatay shahaadada waxaa kamid ah:
Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ku fadhiya HOP#049.

Xildhiban Maxamed Nuur Abuubakar (Shariif Mustafa) oo ku fadhiya HOP#265.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ku fadhiya HOP#005.

Senator Cabdi Axmed Dhuluxow (Dhagdheer).

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ku fadhiya HOP026.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku fadhiya HOP#225.

Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ku fadhiya HOP#208.

Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan-Dhabancad HOP#038.

Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ku fadhiya HOP#070.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed HOP#011.

Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac oo ku fadhiya HOP#004.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid HOP#063.

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye ayaa ku fadhisa HOP#096.

Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise ayaa qaadatay Shahaadada kursiga HOP#212.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin HOP#205.

Xildhibaan Muuse Saciid Jaamac HOP#263 ayaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo BJF.

Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble ayaa shahaadada rasmiga ah u qaatay HOP#101.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa markii labaad oo xiriir ah qaatay shahaadada rasmiga ah ee Xubinnimada Aqalka Sare BFS.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed-Cajiib) ayaa shahaadada rasmiga ah u qaatay HOP#064.

Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi HOP#257.

Xildhibaan Qaladla Cali Cawaale oo ku guuleysatay HOP#017 ayaa qaadatay Shahaadada rasmiga ah.

Senator Duniya Maxamed Cali ayaa qaadatay shahaadada rasmiga ee senatarnimo.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe oo ku fadhiya HOP#206 ayaa qaatay shahaadada rasmiga ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS.

Guddiga FEIT ayaa sheegay in shahaado siinta Xildhibaananda iyo Sentarada Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ay soconeyso, waxaana la siinayaa Xubnihii kusoo baxay Liiska uu 31kii Maarso 2022 shaaciyay Guddiga.
Mustaqbal
