Faah faahinta weerarka Muqdisho iyo Al-shabab oo sheegatay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar isgu jiray Qarax iyo mid toos ah oo ka dhacay meel u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa gaari yar oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxa ay ku dhufteen darbiga ama giaarka Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho, degmada Waaberi, hotelka ayaa  ka soo horjeeda dhismaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ragga weerarka qaaday ayaa dagaal dhexmaray kaddib qaraxa gaariga!

Intii uu dagaalka socday ayaa qof isku soo miineeyey   waxaa uu ku qarxay Isgoyska Ceelgaab oo aan isna dhinaca Bari ka xiga hoteka SYL.

Shaqaalaha iyo gaadiidka gargaarka degdegga ah ayaa isku howlaya sidii ay ugu fidin lahaayeen gargaar caafimaad dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo ay ku sheegeen in Ciidamadeeda ay howlgal ka wadaan inta u dhaxeysa Hotel SYL iyo madaxtooyada oo uu kaliya laami kala qeybiyo.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Pres. Farmajo Fires Banadir Regional Court and Court of Appeal Chiefs

Read Next

Update: Six dead in attack on Somali palace