Duqa Boosaaso oo Digniin u diray Dadka gacansiiya Daacish

Duqa Magaalada Boosaaso Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa digniin u diray Dad uu sheegay in ay gacansiiyaan Daacish oo dagaal xooggan kula jirta Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Dadka caadaystay in ay la shaqeeyaan Daacish ama ku gacansiiyaan dhinaca Sahayda maadaama ay go’doon ku hayaan kana joojiyeen raashinkii u geli lahaa deegaannada ay joogaan.

Odoyaasha dhaqanka ee deegaannada uu howlgalka ka socda ayuu u soo jeediyay in ay gacan ka gaystaan soo qabashada Dadkaan oo uusan carabaabin halka ay joogaan, tiradooda iyo caddaymaha uu maamulka Magaalada Boosaaso uu ku caddaynayo eedeyntaan uu u jeediyay.

“Deegaannada uu ka socda howgalka Hilaac waxaa reeraha degen odoyaashooda ka rabnaa in ay gacan ka gaystaan soo qabashada firxadka Daacish, waxa aan digniin u diraynaa dadka kala shaqeeya sahayda oo gacan bir ah aan ku qaban doonno” Ayuu yiri Duqa Magaalada Boosaaso Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali.

Hay’adaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa si qarsoodi ah u xiray dad ay ku tuhmayaan in ay la shaqeeyaan ama gacansiinayaan Kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay dhulka buuralayda ah ee Gobolka Bari, baaris ayaa ku socota.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xamaas & Israa’iil oo maanta is dhaafsanaya Maxaabiis ay kala haystaan

Read Next

Microsoft oo joojinaysa isticmaalka Windows 10