Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalka ka dhacay Afaafka hore ee Saldhiga Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Bayaanka dowladda ayaa lagu sheegay in wixii khasaare ah oo ka dhashay dagaalka ay mas’uuliyadiisa qaadan doonaan xubnaha Mucaaradka.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda.
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka”
Ugu dambeyn Dowladda ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Mucaaradka in ay joojiyaan khalkhal gelinta amniga, iyadoo tilmaamtay in ay garab taagan tahay ilaalinta Sharciga.
Hoos ka akhriso qoraalka

Dhinaca kale, Xubnaha Mucaaradka ayaa la filayaa in ay shir jaraa’id ku qabtaan Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Mustaqbal
