Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta Ciidamo Booliis ah geeyey Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana saraakiisha boolisku sheegeen in hada si toos Howlihiisii Shaqo uga bilaabay Saldhigga Booliiska Degmadaasi si Bulshada loogu adeego.
Saraakiisha iyo Ciidanka booliska gaaray Matabaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliiska degmada Dhuusamareeb Cabdullaah Xassan Macallin, waxa uuna kula dardaarmay Taliska Booliiska ee Halkaasi ka howlgalaya in ay Waajibaad koodkooda u gutaan sida ugu wanaagsan Maadaaba uu sheegay in Booliisku yahay ilaaliyaha Sharciga iyo Saaxiibka Bulshada.

Saraakiisha hoggaaminaysay Ciidankaan ayaa shacabka Matabaan ka codsaday in ay la shaqeeyeen,waxa ayna sheegeen in ay ka shaqaynayaan nabad galyada degmadaan ku taal Xuduudka kala qaybiya Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay horay Ciidamo boolis ah u gaysay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay horay u maamulayeen Ahlusunna,waxaana haatan la wareegay Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Maamulka Hirshabeelle Cabdiwali Sheekh Cali ayaa shalay gaaray Degmda Matabaan ee waqooyiga Gobolka Hiiraaan,halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Matabaan ayaa maalmo ka hor waxaa la wareegay Ciidanka Dowlada Soomaaliya, waxaana warar ay heshay Mustaqbal sheegayaan in Dowlada Soomaaliya qorshaynayso in Maamulka Hirshabeelle ay ku wareejiso maamulka degmada Matabaan, oo 10 kii sanoo la soo dhaafay ay gacanta ku haayeen Ahlusunna.

