Dowladda Federaalka oo xayiraadkii socdaalka ka qaaday Jubbaland

Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu bilaabay duulimaadyadii tooska ahaa magaalooyinka Kismaayo, Dhoobley iyo Nairobi, kuwaas oo muddo bilo ah hakad ku jiray kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya joojisay.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa maanta mar kale si caadi ah u billaabay howlaha duulimaadka, iyadoo diyaarado toos ah ay bilaabeen in ay u kala gooshaan magaalada Nairobi iyo deegaanka Dhoobley.

Wasiirka Gaadiidka Jubbaland, Cabdilaahi Dhubad Shiil Cumar, ayaa noo xaqiijiyay in duulimaadyadu ay si rasmi ah u bilaabmeen kadib markii dowladda Federaalka ay ka qaaday xanibaaddii saarnayd.

Xanibaadda duulimaadyada ayaa muddo bilo ah saameyn ku yeelatay shacabka, gaar ahaan kuwa safarada caafimaad iyo ganacsi ugu socdaalayay Nairobi.

Dib u bilaabashada duulimaadyadan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa isku socodka dadka.

Xayiraada dowladda ayaa ka dambeysay ka dib markii 25 kii Novembar ee sannadkii hore Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland qabsaday Doorasho ay diiday dowladda Federaalka.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Xildhibaan Ilhaan Cumar “Netanyahu waa dambiile dagaal, la xisaabtan mooye ma mudneyn soo dhoweyn”

Read Next

Maamulka gobolka Hiiraan oo saanad ciidan kala wareegay dowlad deegaanka Soomaalida