Dowladda Albania oo wasiir u magacowday garaadka macmalka ah

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Albania, Edi Rama, ayaa wasiir u magacaabay garaadka macmalka ah, kaas oo qayb ka noqon doonna xukuumaddiisa cusub. Wasiirkan AI-ga ah ayaa loo xil saaray la dagaallanka musuqmaasuqa, gaar ahaan qandaraasyada dowladda.

Garaadkan macmalka ah ayaa lagu magacaabaa Diella, ayaa afka Albanian-ka macnaheedu yahay “qorrax”, Waxaana la sheegay in uu horay uga soo shaqeeyay madasha e-Albania, isaga oo dadka ka caawiyay helitaanka in ka badan 36,000 oo dukumenti dijitaal ah iyo adeegyo kala duwan.

Tallaabadan ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay dadaalka ay dowladda Albania ku doonayso inay qayb kaga noqoto Midowga Yurub. Hase yeeshee, mucaaradka dowladda Albania iyo khubaro sharci ayaa arrintan ku tilmaamay mid sharci ahaan iyo dhaqan ahaanba shaki ku jiro, iyagoo ku doodaya in wasiir aan jir ahaan joogin aanu sharci ku noqon karin golaha wasiirrada.

Qaar ka mid ah shacabka dalkaas ayaa sidoo kale shaki ka muujiyay arrinkan, iyagoo sheegay in xitaa garaadka macmalka ahi uu noqon karo mid la musuqmaasuqo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

RW ku xigeenka dalka “Amniga Muqdisho wuu adag yahay inkasta oo weli uu socda la dagaalanka Argagixisada”

Read Next

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay xilliga la furayo Kalfadhiga 7-aad