Dowladda Soomaaliya oo muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge gudaha xerada Xalane
Ergeyga Mareykanka ee Afganistan, Zalmay Khalilzad, “ayaa ku cadaadinaya Taliban in ay joojiso gulufka milatari” ayna ku laabtaan wada hadalada Dooxa ka furmaya toddobaadkan,sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibedda Markaykanka ka dib markii kooxda hubaysan ay qabsadeen xarumo badan oo ka tirsan gobollada Afghanistan.
Waaxda arrimaha dibada Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhowr kulan loo qorsheeyay in lagu qabto muddo saddex maalmood ah si looga doodo xaaladda Afghanistan.
“Danjire Khalilzad wuxuu sii joogi doonaa Dooxa si uu gacan uga geysto bixinta jawaab wadajir ah oo caalami ah oo ku aaddan xaaladda degdegga ah ee sii xumaanaysa ee Afgaanistaan,” ayay waaxdu raacisay.
Ergayga ayaa ka mid noqonaya wakiilo ka socda dowladaha iyo ururada caalamiga ah, kuwaas oo “ku cadaadinaya kooxda in ay yarayso rabshadaha lana xoojiyo wada hadaladda laba dhinac.
Maanta oo isniin ah, Daalibaan ayaa ku dhawaaqday in ay qabsatay caasimaddii lixaad ee gobolka Afgaanistaan afar maalmood gudahood.
Afhayeenka kooxda hubaysan ayaa ku andacooday in ay ku suganyihiin Aybak, oo ah caasimadda gobolka waqooyiga ee Samangan.
Ciidamada hawlgalada gaarka ah ee Afgaanistaan ayaa awood u leh in ay Taliban ka celiyaan xarumo muhiim ah, oo ay ku jiraan Kandahar iyo Lashkar Gah, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka balse ciidanka milatariga ee dalkaasi ayaa iskaga soo baxay dhowr xarumood oo muhiim ah.
