Doorashada hoggaanka sare ee Iiraan oo is afgrad laga gaarey

Dunida ayaa isha ku heysa hoggaamiyaha badali doona Aayatullah Cali Khamenei oo dhammaadka bishii hore lagu dilay duqeymo ay Mareykanka iyo Israa’iil iska kaashaadeen.

Ma sahlana in la doorto hoggaamiyaha cusub ee Iiraan noqon doona qofka ugu muhiimsan ee gaari kara go’aannada Masiiriga ah ee Iiraan sida arrimaha gudaha, kuwa dibadda, iyo dabcan, dagaalka ka socda dalka.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa socday shirar isdaba joog ah oo ay yeelanayaan Gole sare oo khubaro ah, isla markaasna ka shaqeynaya doorashada hoggaanka sare ee Iiraan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in is-afgarad buuxa laga gaarey hoggaamiyaha cusub ee Iran.

Waxa kaliya ee la dhowraya waa in la shaaciyay hoggaamiyaha rasmiga ah ee Iiraan ee badali doona Ayatullah Cali Khamenei.

Dadka ilaa hadda ugu cadcad waxaa kamid ah Mojtaba Khamenei wiilka hoggaamiyihii la dilay ee Cali Khamenei iyo Alireza Arafi oo ah 67jir muddo dheer ku soo jiray nidaamka garsoorka Iiraan.

Sida uu qabo dastuurka Iiraan, hadda hoggaanka dalka waxaa gacanta ku haya golaha hoggaanka kumeel-gaarka ah, oo ka kooban madaxweynaha Iran, madaxa garsoorka Iran, iyo xubin ka tirsan Golaha Ilaalada.

Mustaqbal

 

 

 

 

 

MM News

Read Previous

Madaxweynaha Xasan Shiikh oo si rasmi u saxiixay Dastuurka dalka

Read Next

Trump oo ka naxay magacaabista hoggaamiyaha cusub ee Iiraan