Diiwaangelinta Musharxiinta Madaxweynaha Galmudug iyo Ku xigeenkiisa oo Waqti kale lagu daray.

Guddiga diiwaangelinta Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb waxa ay waqti kordhin u sameeyeen xubnaha xildoonka ah.

Xiliga ay ku dareen guddiga waa 24-saac oo ku eg berri oo Isniin ah gelinka dambe kuna beegan 27-ka Janaayo 2020.

Sababta waqtiga dheeraadka ah ay uga dareen waxa ay ku macneeyeen in musharixiinta qaarkood ay ka maqan yihiin Magaalada Dhuusamareeb oo lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in xubnaha la siiyay Shahaadada diiwaangelinta ay fursad u heli doonaan u tartamidda Doorashada.

23-kii bishaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug waxa ay waqti kordhin saddex cishe ah u sameeyeen musharixiinta.

Waxaa jira Musharixiin saluugsan Guddiga Doorashada oo shuruudo ku xiran isku diiwaangelinta Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa kuwada sugan dhinacyada isku khilaafsan Doorashada sida Dowladda Federaalka, Ahlu sunna, Musharixiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Galmudug, halka Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo.

MM Editor

Read Previous

Maxkamada Ciidanka Jubbaland oo Xunka dil ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka.

Read Next

Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya oo ku kulmaya Magaalada Asmara.