Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Iyada oo ay rag badan la tahay in ay kalsooni, Shaqsiyad fiican iyo niyad wanaagsan leeyihiin sidaas awgeedna kukaca dhaqamo aysan ceeb u arkin haddana haweenku waxa ay neceb yihiin dhaqamada raggaas ee kuwahan dumarka, sidaas oo kale iyada oo dhallinyaradu isu aragto in ay Niyad-wanaag ka tahay ama hadaladoodu yihiin afgobaadsi (Mujaamalo) ayay habluhu u arkaan in uu yahay Fara-xumeeye, in ay ogoshahay iyo in ay diidan tahay ereyada iyo dhaqankaasna waa arrin rag badan aysan ogeyn, sidaas awgeed Ragga waxaa u wanaagsan in ay fahmaan waxyaabaha u keeni kara in lagu eeddeeyo in uu yahay yihiin faraxumeeyeyaal iyaga oo aan dareensanayn.
Dhaqanka faraxumeyntu waxa uu leeyahay erey-bixin kaladuwan, waxaase loo qaybiyaa 3 Nuuc oo koobeysa dhammaan dhaqamada aan la ogoleyn kuwaas oo ay hoos yimaadaan nuucyada dhaqamada aan Shaqrci & Qaanuun ahaan reebban, waxa ayna kala yihiin:
- Baryo-xoogle (Sexual Coercion)
- Galmo sandulle ah oo taageero leh (Sexual abuse)
- Kudhega-warran (Yasmo)
- Baryo-xoogle (Sexual Coercion)
Nuucaan fara-xumeynta ah waxaa kamid ah in si qarsoodi ah iyo si muuqata tii ay noqotaba wax loogu sheego tilmaan iyo hadal cad ama in la abuuro jawi iyo xaalad fududeyneysa in dhaqan faraxumeyn ah uu dhaco sida in labada qof isu keliyoobaan! Waana sababta Diinta Islaamku u mamnuucday isu keliyoobidda (Qalwa) waxa kale oo faraxumeynta nuucan ah keeni kara in gabadha loo soo bandhigo shaqo kuxiran shuruud faraxumeyn ah.
- Galmo sandulle ah oo taageero leh (Sexual abuse)
Nuucan labaad waxa ugu caansan guurka muddada leh sida in lagu heshiiyo in guurkaasi jiro muddo cayiman todobaad, laba todobaad, bil, bilo ama dhowr sano, waxa kale oo nuucan kujira in laba qofood si qasab ah la isugu guuriyo iyada oo aan laga talagelin guurka ama in gabar si qasab ah loogu guuriyo nin aanay rabin kaddibna lagu dirqiyo in ay si sandulle ah ula dhaqanto.
Waddamada qaarkood dumarka guryaha ayaa lagu xiraa iyada oo si qasab ahna loogu sameeyo galmo, taasina waa qayb ka mid ah dhaqanka galmada taageerada leh.
- Kudhega-warran (Yasmo)
Nuuca 3aad waxa uu kusaabsan yahay hoos u dhigidda shaqsiyadda qofka, ma muujiyo in qofku kujiro xaalad dareen iyo macaansi ah, waxaase lagu gartaa erey-bixinta la adeegsanayo sida in raggu isticmaalaan ereyo falanqeynaya nuuca dhismaha jirka ee gabadha, Habka Abuuristeeda iyo xaaladda ay kujirto, Tusaale ahaan haddii uu la ammaano ama loo gefo muuqaalka iyo isbeddelka jirkeeda sida Uurka, Caadada, Cayilka ama buurnida,
Waxa lagayaabaa in dhaqan kuu caadi ah ama aan ceeb iyo dembi kuu ahayn dhinaca Sharciga & Qaanuunka in uu yahay fal dembiyeed yeelan kara ciqaab ama wax sharafta wax u dhima sida in lagugu eedeeyo faraxumeyn, sidaas awgeed talooyinka aqoon yahanka cilmiga bulshada ayaa u qaba in aad kala fahamto faraqa u dhexxeya Fara-xumeyn iyo Ammaan?
Niyaddaada ayaa ah waxa ugu weyn ee kalasaaraya dhaqamada Fara-xumeyn iyo Ammaan

- Haddii ujeedkaagu yahay in aad dad kale u muujiso in aad Xushmo iyo Karaamo u hayso ama aad kalsoonidooda soo jiidaneyso waa Afgobaadsi (Mujaamalo) balse waa in aad ogaato in Afgobaadsigaas ama mujaamaladaas ay shardi tahay in dhinaca kale ku faraxsan yahay ereyadaada iyo faalleyntaada.
- Waxaa jira Qaaciddo muujineysa in Dumarku jecel yahay maqalka Afgobaadsiga ama mujaamalo kusaabsan muuqaalkooda tusaale Lebbis cusub oo ay xiratay iyo miisaanka oo ay iska yareysay balse arrintaasi waa halis mana cadda maaddaama ay adag tahay in la kala saaro Ammaan run ah oo barax la’ iyo Ammaan ay dareen iyo rabitaan ku jiraan
- Dumarka qaarki kama helo ammaanta iyo kudheeraashaha noloshooda sidaas oo kalana aad ayay u karhaan weeraha qaarkood sida:- Si xun ayaad u fahamtay! Sida aad is mooddo uma qurxoonid!, Waa dambeysaa IWM
- Haddii ay lama huraan noqoto in aad wax ka sheegto ama aad ammaanto kahadal guulaheeda iyo shaqooyinka fiican ee ay qabatay iyo garaadkeeda wanaagsan.
- Jimicsi ayaad billowday sida muuqata, Culeyskii miyaad dhintay? iyo Quruxleey, Indhadeerayel , Boqoradda iyo Jirka waxa ay bixinayaan faham qaldan sababta oo ah waa tilmaan cad oo muujineysa in aad Astaamaha jirkeeda ku mashquulsan tahay, waxaana lamid ah haddii aad falanqeyso Turukadeeda (Make-up) Catarkeeda iyo qalabka ay sidato.

Ha uga faa’iideysan Awooddaada ama baahida qof dumar ah u qabo caawintaada hab aad ku cadaadiso si ay u aqbasho in aad faraxumeyn kusameyso.
ISHA:
Aljazeera+
Mustaqbal & Gender-based Violence.
