Dowladda Federaalka ayaa isbaddel ku sameysay Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka oo ka howlgalla Deegaannada Koofur Galbeed.
Maanta waxaa xilka la wareegay Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, , Korneel Isaaq Bardaale oo laga filayo inuu isbaddel ku sameeyo Amniga guud ee deegaannada Koofur Galbeed.
Taliye xigeenka Ciidanka Dhulka ee XDS, Jeneral Cabdullahi Xuseen Ciro oo goobjoog ahaa munaasabadda xil wareejinta ayaa faray taliyaha cusub in la sii dardar galiyo howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda deegaannada Koofur Galbeed.
Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ayaa magacaabistiisa ku soo aadeysa xilli maalmihii la soo dhaafay dagaallo culus ay ka dhacayeen deegaannada hoos yimaada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Dagaalladaasi oo ay ku lug lahaayeen AS iyo Xubno ka tirsanaa Maamulkii hore ee Laftagareen ayaa waxaa lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Xoogga iyo Askar kale.
Mustaqbal
