Dekadda Boosaaso oo maalmo xiran iyo eedo loo jeedinayo Shirkadda DP World

Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ayaa istaagey muddo 11 maalmood ah, kadib markii ay ganacsatada gobolka Bari ku dhawaaqeen shaqo joojin iyo kacdoon ka dhan ah shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ganacsatada ayaa si adag uga horyimid canshuuro ay soo kordhiysay Wasaaradda Dekadaha Puntland, taasi oo muujineysa in ay korortay khidmadaha laga qaado Maraakiibta iyo Doonyaha wada badeecadaha ee doonaya in ay ku soo xirtaan Dekadda Boosaaso.

Sida ay muujineyso Xog ay heshay Mustaqbal Media, Markabka sida culeys gaaraya 9,500 MT waxaa laga qaadaya lacag gaareysa 102,840 doollar, halka ay markii hore ay bixin jireen 20,475 doollar, taas oo ka dhigan koror dhan boqolkiiba 402.27.

Sidoo kale, doonyaha raran ayaa canshuurtooda kor loo qaaday boqolkiiba 206.68, iyadoo doontii bixin jirtay 6,744 doollar hadda laga rabo inay bixiso 20,682 doollar.

Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaradka Carabta ee DP World ayaa soo kordhisay canshuuro ay si gaar ah u qaadaneyso, iyadoo ganacsatada ka muujiyeen diidmo iyo kacdoon.

Sidoo kale, Canshuuraha la soo kordhiyay ayaa muujinaya in aan la tix galin maciishada daruuriga ah sida Baastada oo halkii Mitric Tan la canshuurayo lacag gaareysa $3.45.

Ganacsatada ayaa ku eedeeyay shirkadda DP World inay curyaamisay dhaqaalaha Puntland, iyagoo sheegay in tan iyo markii ay dekedda la wareegtay aan wax horumar ah la arkin balse kaliya lacagaha la kordhiyay, taas oo keeni karta in ganacsigu u wareego dekedda Berbera.

Weli ma jiro xal rasmi ah oo ilaa hadda laga gaarey culeyskaan, waxaana xusid mudan in Dekadda Boosaaso il dhaqaale u tahay deegaannada Puntland oo wajahaya culeys dhaqaale.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay tahay dhacdada caawa laga soo wariyay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan?

Read Next

Iiraan oo sheegtay in aysan u hoggaansami doonnin heshiiskii ay la gashay Maraykanka