Dagaal ka socda galbeedka gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyo laba Maleeshiyo oo ka socdo inta dhaxeysa deegaannada Jiicboor iyo saax quran ee galbeedka gobolka Mudug.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil, welina la maqlayo rasaasta ay dhinacyada is weedaarsanayaan.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, wallow aan weli laheyn tirada rasmiga ah.

Waxaa soconaya baaqyo iyo dadaallo la doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo beelaha ku dagaalamaya galbeedka Gobolka Mudug.

Dagaal beeleedyada ayaa ku soo laab laabtay deegaannada gobollada Dhexe gaar ahaan, waxaana jira kulamo nabadeed oo lagu xalliyay colaad hore halkaasi uga taagna.

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco

MM Staff

Read Previous

Senetor Mareykan ah oo 25 saacadood jeedinayay khudbad uu ku dhaliilayay Trump

Read Next

Dowladda Mareykanka oo qiratay in musuq maasuq ka jiro qaar kamid ah Hay’addaha dalkaasi