Dab sababay khasaara Maaliyadeed oo ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Muqdisho
Goobo Ganacsi oo ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo lagu iibiyo qalabka Gaadiidka ayaa gubtay kaddib markii qabsaday Dab inkasta oo aan la ogayn waxa uu ka dhashay Dabkaas.
Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal Media u sheegay in xiligii uu dabka ka kacayay goobta ay ku sugnaayeen shaqaalaha goobta iyo macaamiil ka dukaamaysanaysay balse marqura ay arkeen dab is qabsaday goobtaas oo markii dambe xooggaystay.
Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta tagay ayaa hakiyay isu gudubka Gaadiidka iyo Dadka agagaarka goobaha Ganacsi ee gubtay iyada oo markii dambe ay gaareen Gaadiidka dab damiska ah si ay u damiyaan.
Goobaha Ganacsi uu dabka isaga kala gudbay waxaa inta badan lagu iibiyaa Mootooyinka, qalabka dib loogu hagaajiyo (Spare parts) iyo waxyaabaha kale ee lagu sharaxo Mootooyinka oo noocyo kala duwan isugu jira.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
