Cumar Cabdirashiid oo ka digay in lagu guuldareysto wada-xaajoodka Doorashada.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu uga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan caqabadaha hortaagan Doorashooyinka.

Cumar ayaa ugu horreyn dul istaagay shirarka Saamileyda u dhaxeeya, Waxyaabaha hortaagan in dalka ay ka dhacdo Doorasho lagu kalsoon yahay & muhiimadda kulamada socda ee xalka loogu raadinaya hirgelinta heshiiska 17-ka September 2020.

Waxa uu ka digay in lagu guuldareysto wadahadalka socda ama dhinac loo weeciyo dhabbaha wanaagsan ee lagu abuuri karo qorshe siyaasadeed cusub oo lagu xoojinayo heshiiska Doorashada 17-kii September 2020.

“Haddii si dhab ah ay uwada hadlaan Saamileyda Siyaasadda waxaa lagu gaari karaa Doorasho lagu kalsoonaan karo, waxyaabaha waaweyn ee ay wadaagayaan daneeyaasha waa in ay si faah-faahsan uga wada hadlaan nidaamka gorgortanka ajandaha oo haddii dhexdhexaadintu guuldareysato ama farsamada dhinac kale loo weeciyo la guuldareysan doono” Sidaasi waxaa yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Wadahadalka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka ee Muddo xileedkoodu dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan Caqabadaha hortaagan.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Xuseen Qayaad: “Dowlad-Deegaanka Soomaalida waxaa isu biirsaday Abaar, Shuban Biyood & Colaad.

Read Next

Jaamac Qaalib: Isagoo aan dugsi Quraan, iskuul iyo jaamacad dhigan ayuu noqday bare jaamcadeed