Denmark oo AUSSOM u ballanqqaday in ay ku garabsiinayso Howlgalkooda Soomaaliya
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada Deegaanno hoostaga Jameeco ee Gobolka Baay Maamulka Koofur Galbeed halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka qabsadeen AS sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidanka oo wata Gaadiidka dagaalka gaar ahaan kuwa Gaashaaman isla markaana taageero cirka ah helaya ayaa xoogga saaray sidii ay uga hortagi la haayeen duullaanka AS waxaana ay xoojiyeen saldhigyada ay ka sameysteen deegaannadaas ay gacanta ku dhigeen sida hadalka loo dhigay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ujeedkeedu yahay qabsashada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa culays ciidan waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka kala kulmeen AS iyaga oo dagaallo culus ku galay Xadka Gobollada Shabeelaha Hoose & Baay.
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray qaar kamid ah Furimaha Dagaalka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay xoojiyaan nabadgalyada deegaannada ay qabsadeen sidoo kalena ay gacanta ku dhigaan deegaannada ay weli joogaan AS.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
