Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku dagaallamay Balcad

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka afar kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Ciidamo ka wadatirsan Maamulka Degmada ay ku dagaallameen Magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug iyo xoghaya dowladda hoose ee Balcad Yuusuf Xasan Cali.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Xoghaye Yuusuf oo uu dhaawac fudud soo gaaray waxaana dhaawacyada loo soo qaaday Muqdisho,sidoo kale qofka dhintay ahaa ay askari ka mid ahaa dhinacyadii dagaallamayay.

Dagaalka ayaa salka ku hayay khilaaf ka dhashay habka loo qaadayo lacagaha laga qaado gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Jowhar ee Balcad mara.

Isu socodka Gaadiidka ee Muqdisho iyo Jowhar ayaa maanta hakad galay iyada oo uu saameyn taban ku yeeshay dagaalka magaalada ku dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan maaamulka Magaalada Balcad.

Mustaqbal media

Read Previous

Afgembigii caddaa 21-Oktobar

Read Next

Waxaa la soo gaaray waqtigii shacabku guran lahaayeen miraha Sharciga Isgaarsiinta (MAQAAL)