Ciidamada gaarka ah ee Haramcad oo loo daabulay gobolka Gado

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada gaarka ah ee Haramcad u daabushay gobolka Gedo ee maamul-goboleedka Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneyd xiisad u dhaxaysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Labadii maalin ee la soo dhaafay dagaalo khasaare geystay ayaa ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo kadib markii uu halkaas tegay Cabdirashiid Janan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cabdirashiid Janan u magacawday taliyaha ciidamada NISA ee gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan oo kale bishii Diseembar 2024-ka waxay ciidamada gaarka ah ee Harmacad geysay deegaanka Raas-Kambooni ee maamul-goboleedka Jubbaland.

Dadka deggan deegaanada gobolka Gedo ayaa dhibbane u noqday khilaafka siyaasadeed ee soo noqnoqday kaas oo u dhexeeya maamul-goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Kororka Dhaqaalaha Soomaaliya oo gaaray 12% markii ugu horreysay tan iyo burburkii kadib

Read Next

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca