Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamada katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xoojinayo amniga ka sameeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Deegaannada kale ee hoostaga sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.

Ciidanka oo isugu jiray Nabadsugid iyo Booliis ayaa howlgallo ka sameeyay xaafadaha qaar iyo Gaadiidka isaga kala gudba, inkasta oo aanay jirin ilaa haatan faahfaahin kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo lagu xoojinao amniga, ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa Booliiska sida Militariga u tababaran ayaa iska kaashaday howlgalladaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dibadbax ka dhan ah duullaanka cusub ee Netanyahu la damacsan yahay Gaza oo ka dhacay Tel Aviv

Read Next

RW UK oo rajo xumo ka muujiyay in lasii daayo Maxaabiista Israa’iil laga hayo