Chelsea oo jidka loo galay.

Naadiga Chelsea ayaa shalay galab garoonkeeda kuso dhaweysay kooxda Everton kulan xiiso badnaa oo ka tirsanaa todobaadkii 12aad ee horyaalka Premier League-ga.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran oo ay labada kooxoodba ku jireen taxadar iyo is ilaalin sidoo kale qaadayeen weeraaro ay dhawr jeer halis ku galiyeen labada goolhaye.

Chelsea ayaa dhanka weerarka ku yara halisnayd laakiin Alvaro Morata ayaa ka bixi wayay offside isaga oo fursado ka khasaariyay kooxdiisa chelsea.

Everton ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay dhawr jeer khatar ku galiyeen goolka kooxda chelsea kuna doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal.

Waxa bar-baro 0-0 ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen wax gool ahna ku kala dhalin kari waayeen sidaasna ku heshiiyay.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ka xiiso badan qaybtii hore iyaga oo laabda kooxoodba soo bandhigeen weeraro waali ah oo khatar ah oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Dhamaadkii Everton daafac adaga ayay xerteen xili Chelsea ay weerar aheyd balse waa loo diiday in la siiyo meel ay kubadda marsiiyaan waxa ayna ciyaarta kuso dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Man City Oo Etihad Stadium ku xasuuqday Man United.

Read Next

Real Bestis oo Camp Nou ku garaacday Barcelona.