Chelsea oo isha ku heysa weraryahan Taliyaaniga ka ciyaara, Waa kuma?

Kooxda Chelsea ayaa ku fikireysa in janaayo ay u dhaqaaqdo saxiixa xidiga kooxda Inter Milan ee Icardi.

Tababaraha kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaan ku qanacsaneyn qaab ciyaareedka xidigaha Alvaro Morata iyo Olivier Giroud wuxuuna sheegay in bisha janaayo uu suuqa kala soo wareegayo xidig ka ciyaara weerarka.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, Blues ayaa bilowday inay u dhaqaado saxiixa xidiga wacdaraha ka dhigaya Taliyaaniga ee Icardi.

Xiddiga reer Argentine kooxdiisa u dhaliyay 103 gool 165 kulan oo uu saftay tan iyo 2013, waxaana Chelsea ay ku dooneysaa  90 milyan ginni 25 jirkaan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Real Madrid oo dooneysa inay iska iibiso Marco Asensio.

Read Next

Harry Maguire oo soo dhaweeyay ku biiristiisa Manchester United.