CCW oo booqday Isbitaal Martiini oo ay ku jiraan Caruur wajahaysa xaalad nafaqo darro ah.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakacay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa Isbitaalka ku soo dhaweeyay Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ( Jalaaludiin), kaas oo warbixin ka siiyay xaaladda la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

May be an image of 7 people, people standing, tree and outdoors

Dhanka kale Ergeyga ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowladdaha deeqda siiya Isbitaalka gaar ahaan Dowladda Talyaaniga, hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Bulshada in ay ka qeyb qaataan dadaallada loogu jiro gurmadka Abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaartu saameysay, kuwaas oo ku nool Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Koonfur Galbeed oo kulan la yeeshay Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya.

Read Next

MW Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray Layli Sarkaal & Layli Saraakiil Xigeen