Cali Khaliif iyo Faysal Waraabe oo ka hadlay kulankii ay la qaateen MW Farmaajo.

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galleyr iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa magaalada Brussels kula kulmay madaxaweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulanka ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo ku sheegay in uu ahaa mid ay kula talinayeen madaxweynaha.

Faysal ayaa sheegay in Isaga iyo Caliba ay ka weynyihiin Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay siinayeen talo waalidnimo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale ay kala hadleen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo wadahadallada Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka aqbalay dhamaan wixii ay ka wada hadleen,waxana uu intaas raaciyay in rajo badan uu ka qabo  in wadahadallada labada dhinaca ay dib u billowdaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Kuwait oo qabaneysa shir lagu taageerayo waxbrashada Somaliya

Read Next

Canada:  Booliska oo xiray 6 Dhallinyaro Somali ah.