CAF oo ganaaxyo culus dul dhigay Xulalka Senegal & Morocco

Hay’adda Maamusha Kubadda Cagta ee Afrika ayaa ku dhawaaqday Ganaax la dul-dhigay Xulalka Senegal iyo Morocco oo dhowaan kulan ciyaareedkii ay isaga hor yimaadeen kulankii Fiinaalka AFCON oo laga diiwaangeliyay dhacdooyin foolxun.

Ciyaartoy garoonka isaga baxday, Tababarre Carooday, Taageerayaal gudaha Garoonka u galay, gacan qaad dhaawac darran kasoo gaaray Askari sugayay amniga Garoonkaas oo ugu danbayn geeriyooday, Aflagaado iyo kala qaybsanaan waa dhacdooyinkii halkaas ka dhacay.

Ugu horrayn guddiga Anshaxa ee Afrika ayaa ganaax lacageed dul dhigay labada Xul ee Senegal iyo Morocco waxaana laga doonayaa in ay bixiyaan lacag ka badan $1 Milyan oo doollar, waxaana intaas dheer lacago laga doonayo Xiriirkooda kubadda Cagta xulalkaas.

Ganaaxyo shaqsi ah ayaa jiray sida Tababaraha & Ciyaartoyda Xulka Senegal kolkii ay isaga baxeen Garoonka Ciyaarta oo socota isla markaana ay xakamayn waayeen dareenkooda maadaama go’aankaas uu kahor imaanayo anshaxa kubadda.

CAF ayaa Xiriirka Kubadda Cagta Senegal dul dhigtay bixinta lacag ganaax ah oo dhan $615,000 halka Morocco lagu ganaaxay $315,000 waxaana suuragal ah in baaris kale lagu sameeyo xulalkaan si aanay dhacdadaan u noqon colaad soo jireen ah.

Goolhayaha Senegal Edouard Mendy ayaa in ay fowdadaas socotay la kulmay rabshad si gaar ah loogu sameeyay sida in laga qaaday Shukumaanka uu dhididka isaga tirayay oo lagu dhex tuuray meel u dhow taageerrayaasha Xulka Morocco inkasta markii dambe loosoo celiyay.

Xiriirka Kubadd Cagta ee CAF ayaa sheegay in aanay ganaaxaan ka baxsaneen Tartamada Afrika maadaama labadaan Xul ay kamid yihiin Koobka Adduunka 2026 ee Bisha June furmaya, waxaa muddooyinkii dambe la sugayay go’aanka xiriirka oo ugu danbayn soo baxay.

Dalka Morocco ayaa la sheegay in uu baarayo dhacdada uusan mahdin marka laga eego dhinaca ku guulaysiga koobka AFCON 2026 & foolxumadii uu kusoo idlaaday tartankii qurxoonaa oo ay qabteen horraantii Bishaan maadaama uu Dalalka Spain & Portugal kula lamaansan yahay martigelinta Koobka Adduunka 2030.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Iiraan oo samaysay Dhoolatus ciidan & Maraykanka oo hanjabaya

Read Next

Prof Samatar “Isma qabato in Somaliland ay ku dooddo gumaad ayaa naloo gaystay & Israa’iil ayaa soo dhaweysaneynaa”