Cabdirashiid Janan oo ciidankii uu watay ku wareejiayay Jubbaland una dhoofay Nairobi

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Janan ayaa maanta si buuxda u wareejiyay Ciidankii uu watay ee joogay Baladxaawo kaddib wadahadallo saacado qaatay uu la yeeshay saraakiil ka socotay maamulka Jubbaland.

Janan ayaa ugu dambayn diyaarad Militari oo Kenya ay leedahay saaka ka raacay Magaalada Mandheera kaddib markii uu si buuxda u dhammaystiray qorshihii wareejinta ciidankii halkaas u joogay isaga oo u jihaystay Magaalada Nairobi.

Saraakiil u badan Ciidanka Sirdoonka Maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobihii ay joogeen Ciidamada ka amar-qaata Cabdirashiid Janan kuwaas oo horay ugu diiwaangashaan Dowladda Federaalka waa xiligii uu ahaa Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo.

Tallaabadaan waxa ay ka dhigaysaa in sannad iyo dhowr bil kaddib uu Maamulka Jubbaland si dhammaystiran ula wareegay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo iyada oo aanay dhicin dagaal isla markaana xiisaddii halkaas u diidanayd wadahadal lagu soo afjaray.

Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay in uu Magaalada Nairobi kula kulmi doonno Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland si loo dhammaystiro heshiiska sida hordhaca ah ay labada dhinac u galeen sida xogaha la helayo ay sheegayaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sagal Cabdiweli oo ku guullaystay kursiga deegaanka Holborn and St Pancras ee London 

Read Next

Sarkaal katirsan Ciidanka ICE oo New York qof ku toogtay