Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Sanad iyo bar kadib maanta lasii daayay.

Magaalada Hargeysa Xarunta Maamulka Somaliland waxaa maanta laga sii daayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sanad iyo labo bilood xirnaa, waxaa la qabtay 19-kii Bishii April 2019-kii, kadib markii eedeymo loo jeediyay.

Coldoon waxaa laga soo qabtay Magaalada Burco oo uu ku sugnaa todobaadkii la xiriyay, waxaana dadaalo lagu sii deynayo sameeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan Xisbiyada Wadani, UCID iyo hay’adaha u dooda Suxufiyiinta.

8-tii Bishii July isla sanadkaan 2019-kii, Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa lasoo taagay, iyada oo ku xukuntay saddex sano iyo 6-bilood, kadib markii lagu eedeeyay qodob oo kala ah:

“Taliskani tubtiibuu hayaa waa talisyadii hoogay”

” Taliska Muuse Biixi Waa Taliskii Cabdi ilay oo soo koraya”

“Dugsiga Abaarso waxaa ardayda lagu baraa isu galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo in dugsigaasi lagu barto diin aan ahayn Islaam”.

Inkasta oo qareenadiisa ka bari yeeleen dhammaan eedemahaas balse xeer ilaalinta ayaa ku dhaqaaqday fulinta, taasina waxa ay sababtay in xabsiga la dhigo isaga oo loo jaray warqadda lagu xiray.

Soo deynta Cabdimaalik Muuse Coldoon waxaa ka qaybgalay xubno laga magac tilmaamay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro iyo mas’uuliyiin kale sida Coldoon oo uu u xaqiijiyay Warbaahinta.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyaa in ay Suxufiyiinta Madaxa banaan xiraan, albaabada isugu dhuftaan xarumaha ay ka shaqeeyaan iyo caga-jugleyn joogto ah, taasi waxa ay sababtay in deegaanada Somaliland laga diiwaangeliyo Wariyaasha ugu badan ee la xiro.

MM Editor

Read Previous

“3-sano iyo bar kadib in aan la garaneen nuuca doorasho ee dhaceyso waa mas’uuliyad darro” Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Read Next

Maraykanka oo 10 maalin ka dib ka hadlay dhalinyarii lagu laayay duleedka Balcad.